Milkiilayaasha Muhaajiriinta ee Dukaamada loo yaqaano Spaza Shop ku leh dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay inay Boliska ku sugan Gacan-biyoodka Nelson Mandela Bay ay ku khasbeen inay Dukamadooda xiraan sababo Ammaankooda, balse ay dhacdooyinkaasi ahaayeen Boob.
Toddobaadkan ilaa 89 Dukaan ayaa lagu khasbay in la xiro, iyadoo 25 ka mid ah lagu bililiqeystay Deegaanadda Waqooyi ee magaalladda Port Elizabeth.
Boobkaasi ayaa la sheegay inay geysteen dad Reer Kooonfur Afrikaan ah oo sheeganaya inay gaajeysan yihiin.
Guddoomiyaha Ururka Jaalliyadad Soomaalida ee Gobalka, Saciid Maxamuud ayaa u sheegay Warbaahinta GroundUp ayaa sheegay inay Boliska diirada saareen Jid-gooyada, balse dhibaatadu ka jiraan Deegaanadda Waqooyi, sida Timothy Valley, KwaNoxolo, Booysen Park iyo Chatty.
Waxa uu intaasi ku daray inay kooxo hubeysan oo wata Mootooyin ay dhacaan Ganacsatada, kadibna dadka deegaanka waxay iyagana boobaan Goobaha Gnaacsatada Soomaalida ku leeyihiin Deeganadaasi.
Dhinaca kale, Afhayeenada Boliska Gobalka, Kolonel Sibongile Soci waxay sheegtay in dhacii dhawaanahan loo geystay Dukaamadda Spaza Shops ee magaalladda Port Elizabeth yihiin kuwo carqaladayn ah.
Waxay intaasi ku dartay inay Milkiilayaasha Dukaamada ka codsadeen inay xiraan Dukaamadooda, sababo la xiriirta Ammaankooda.
Afhayeenadda waxay kaloo tilmaamtay inay Ganacsatada kula taliyeen inay Badeecadahooda kala baxaan goobahooda Ganacsiga, balse ay sheegeen inay dib u soo laaban doonaan marka ay xaalladdu caadi ku soo noqoto.