GARNAQSI: QURBOJOOG IYO QULQULJOOG YAA QALDAN

0
43

Burburkii dowladii dhexe kadib dalka wuxuu soomarey mar xalado kala duwan waxaana hogaanka dalka isku badeley madax badan oo isugu jirey qurbajoog iyo gorax joog, inkastoo madaxda ugu sareysa dalku ay ubadnaayeen daljoog hadana kama marneyn marnaba dibadjoog in ay xilal muhiim ah ka qabtaan talka.

Hadii aan usoo dego dulucda qoramadeyda waxaan ku eegi doonaa yaa dalka ka naxa dibadjooga iyo dal joogu? Yaase gobasan qurbajoogta iyo qoraxjoog markey xil qabtaan?

Marka hore waxaan ka afeefanayaa in la ii arko in aan koox gaar ah taageerayo maxaa yeeley labada qolaba waan ka tirsanahay hase yeeshee waxaan is barbardhig ku sameyn doonaa cida ku haboon siyaasada iyo hogaanka dalka.

Markaan kasoo bilowno xiligii dowladii Embagaati ee lagu soo dhise dalka Kenya  2004 oo madaxweyne u ahaa marxuum cabdullaahi Yuusuf Ahmed, wuxuu dalku sameeyey isbedelo siyaasadeed oo waaweyn isbedelkaas oo sababey in ay meesha kabaxaan hogaamiye kooxeedyadii dalka heystey walow koox wadaado ah ay bedeleen hadana waxaa aad u muuqdey ifafaalo dowladnimo.

Marxuum Cabdullahi  Yuusuf madhameysan muda xileedkiisa hase yeeshee wuxuu dowlada soomaaliya usuura geliyey in markale madaxtooyadii soomaliya kashaqa bilwdo.

Shir dib uheshiisiin oo kadhacey dalka Jabuuti ayaa waxaa madaxweyne loogu doortey hogaamiyihii midowga maxaakiimta  Islaamka shariif sheikh Axmed mudo Seddex sano ah, wuxuuna ku guuleystey in dowladiisa ay wax kaqabato amaanka caasimada iyo gobolada kuxeeran isla markaasna sameyso dib u heshiisiin walow aysan gaarsiin halkii loo baahnaa.

Bururkii kadib dowladii uu horkacaayey shariif sheikh Axmed waxey suura gelisey in doorashadii ugu horeysey kadhacdo magaalada mogadisho taas oo guul wayn eheed waxaana xusid mudan  in madaxweynihii xiligaas ee Shariif ahmed doorashadii looga guuleysto  si sharaf lehna xilku uwereejiyey.

Waxaa hogaanka dalka lawareegey madaxweyne Xasan sheikh maxamud September 10 2012 wuxuu  hogaamiyey afar sano oo xiriir ah, wuxuuna taaba geliyey nidaamka fedaralka, wuxuu dhisey dhamaan maamul goboleydyada marka laga reebo puntland iyo soomaaliland oo gooni isu tag kudhawaaqdey.

Dhammaan madaxdan aan kor kusoo xusney waxey kaalin muuqata ka qaateen dhisidda dowladnimada  soomaaliya kuma jiro qurbjoog ee dammaantooda waa daljoog balse waxey fursado siinayeen qurbajoogta.

Dhamaadkii 2016 iyo bilowgii 2017 waxaa soomaaliya kadhacdey doorasho xiisa gaar ah xambaarsaneyd oo indhaha caalamka soojiidatey, waxaana guusha kuraacdey madaxweynaha hada xilka haya mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa ladoortey arbaco 8-dii February,2017 waxey eheed doorasho shacabka soomaaliyeed aad usoo dhoweeyeen.

 waxaa mar qura is qabsadey isa soobaxyo aad uwaaweyn magaalada mogadisho iyo qaarkamid ah gobolada dalka waxaana xusid mudan magaalada mugadisho daqiiqado kadib doorashadii madaxweyne Farmaajo waxaa isu soo baxey dad lagu qiyaasey nus malyuun oo qof haseyeeshee hal qofna waxba kama gaarin inta ogaalkeyga ah, hadii uu jirana qarax ama toogasho ma eheen ee dad isbuurtey ayaa laga yaabey in ay wax gaaraan,Sababtaas qoromo kale ayaan kusoo bandhigi doonaa.

Shacabiga soomaaliyeed waa shacab u hamuun qaba markasta in uu dhadhamiyo macaanka dowladnimada , hase yeeshee madaxweyne farmaajo wuxuu guda galey dhisada dowlad ay kumideysan yihiin qurba joogta soomaaliyeed.

 waxaa durba madaxtooyada soomaaliya buuxdhaafiyey qurbajoog soomaliyeed oo marba luqad ayaga ugaar ah iskula hadla waxaana xaqoodii laduudsiyey daljoogii soomaaliyeed ee marqaatiga nool ahaa isla markaana garanayey halka dalka laga heesto.

Waxaa durba qaylo dhaan muujiyey aqoon yahan dal iyo dibad meel uu joogey madaxweynuhu waa qurba joog, gudoomiyuhu waa qurba joog Ra’isulwasaaruhuna waa Qurba jooga waxaa kasii darneyd golaha wasiirada oo dhmaantood wada qurbajoog noqodey.

Waxaa xafiisyada dowlada lateliyaal looga dhigey  taraawalo ku kaxeen jirey qurbaha  gawaarida waaweyn oo waxna qorin waxna akhriyin ula majeedoin aysan xaq leheen balse dad kamudan oo aqoon uleh shaqaads ayaa irdaha madaxtooyada laga celiyey ayagoo shahaadooyinkoodi wata.

Hadab labo sano kadib dowladii qurbajoogta maxey qabatey oon eheen in magaalada mogadisho amnigeedi gacanta kabaxey maamuladii dowladii hore dhisteyna dumineyso.

Habada sheikh shariif wuxuu R’isul wasaare siiyey Qurbajoogta, Xasan sheikh sidoo kale alaha unaxariistey marxuum Cabdullahi Yuusuf sidoo kale, balse Farmaajo qoraxjoogta soomaaliyeed ee uu madaxda uyahay xitaa wuxuu udiidey in shaqaale hoose kanoqdaan dalkooda hooyo.

Waa su’aale qorax joogtu ma danbiilayaal baa madaxweyne? , ma’ ayagaa dalka burburiyey? sow xaq uma leheen muwaadiniintii  dhibaatada dalka wax kusoo baratey in dalkooda xil u qabtaan mise si ay xil u helaan in ay tahriibaan waaye?

Lasoco qoramada tan xigta goor dhow

Isha kuhaay warbaahinta madaxbanaan ee Tebiyenews.com

Waxaa qorey: WIIL QARAN

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here