Galmudug oo markale gashey xaalad cakiran iyo ahlu sunna oo bilaabey….

0
58

Tanaasulkii madaxweyne xaaf kadib dowlada soomaaliya waxaa ay dadaal xoogan ugashey sidii laisgu keeni lahaa dhamaan beelaha Galmudug si doorasho dowlada galaangal kuleedahay uga qabsoonto dhuusamareeb oo ah caasimada Galmudug walow ahlusuna si gaar ah uga arimiso.

Raisulwasaaraha soomaaliya ayaa kusugnaa kudhowaad labo bilood deegaanada galmudug si uu isgu keeno dadka deegaanka walow lasheegey in uu xooga saarayey sidii madaxweyne uga dhigi lahaa shaqsi isaga wata.

Aduun lacageed oo gaaraya 4 milyen oo dollar ayaa lasheegey in xasan cali kheyre Raisul wasaaraha soomaaliya ku isticmaaley safarkiisa galmudug.

Dadka siyaasada falanqeeya ayaa raisul wasaaraha ku dhaliilyey in lacagtaas uu ku bixiyey in uu naftiisa ku xayeysiiyo oo kaliya balse aanu kubixin gogol nabadeed oo ladhigay dhuusamareed.

Guddi dib u heshiisiin ayaa loo magacaabey oo hogaaminaayo aqoonyahan cabdiraxmaan baadiyo oo ah shaqsi caashaqsan qaabka ushaqeeyso xukuumada soomaaliya.

Ahlu suna ayaa dowlada kusoo dhoweysey dhuusa mareeb balse waxaa durba bilowdey shaki iyo hurguf siyaasadeed oo ugu danbeen horseedey in ahlu suna ciidanka dowlada federalka go’doomiyaan isla markaan kuwii ladiiwaan geliyeey dib uga laabtaan xaruumihii hlu sunna.

Macalin maxamuud oo ah wadaadka ugu wadooda badan ayaa durba lasheegey in ciidank ahlu sunna ku amrey in ay lawareegaan amaanka airportka dhuusa mareeb oo dowlada markii horey lagu wareejiyey.

Galmudug ayaa hada qarka usaaran in ay gasho dagaal beeleed iyo mid siyaasadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here