Galmudug oo faahfaahisay Wajiga labaad ee Shirka Dhuusamareeb

0
10

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa faahfaahin ka bixiyay Wagiga labaad ee Shirka dhawaan lagu waddo in uu ka furmo Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug waxaa uu sheegay in Shirkaan diirada lagu saari doono sidii xal buuxa looga gaari lahaa doorashooyinka iyo sidoo kale Xaaladdaha Amniga ee dalka.

Waxaa uu sheegay in dhammaan ay kasoo qeyb gali doonaan Madaxda maamulada iyo kuwa dowladda Dhexe ee Soomaaliya, islamarkaana diiradda lagu saari doono sidii loo wajaheyn lahaa Xaaladda dalka.

Waxaa uu xusay in Galmudug ay ku guuleysatay in wajigii koowaad ee Shirkaan uu kusoo dhamaado si wanaagsan, islamarkaana Waqtiga xigga ay dadaal badan ku bixin doonaan Sidii uu ugu soo dhammaan lahaa is afgarad.

Inta badan Madaxda maamulada ayaa ku sugan Dhuusamareeb iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre, waxaana lagu waddaa in gaaro maalmaha soo socda Madaxweyne Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here