GAARI IYO CIIDAN LAGU WAREEJIYEY KHEYRE.

0
26

Maamulka Degmada Xeraale Waxa ay xukuumadda Soomaaliya kuwareejiyeen 11 gaari oo kuwa dagaalka ah iyo 500 oo ah Maliishiyo kuwaas Raisalwasaare Kheyre sheegay in xukuumadda la wareegtay ayna u sameynayso qorshe ay diiwaangelin iyo dib u habayn.

Raisalwasaare Kheyre waxa uu kacodsaday maamulka Xeraale i si degdeg ah ay u dhammaato collaadda sababtay in ay kala go’aan Huurshe iyo Xeraale, iyada oo maamulka Xeraale ka aqbalay Kheyre in ay qaadanayaan mas’uuliyadda dhammeynta collaaddaas.

Madaxda iyo maamulka Deegaanka Huurshe Waxa ay weydiisteen RW Kheyre in uu kala shaqeeyo sida ugu sahlan ee collaadda u dhexeysa Xeraale iyo Huurshe loo dhammeyn lahaa iyada oo arrintaas uu Kheyre kala hadlay
Sheekh Mursal Cabdiraxmaan wasiirkii hore ee Diinta & Awqaafta Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here