Furitaanka Barlamaanka FS oo dib loo dhigayo iyo doorashadii oo shaki la galiyay

0
27

Iyada oo loo balansanaa in bisha Maarso 15keeda dib loo furo kalfadhigii Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa waxa soo baxaya warar sheegaya in Gudoonka Baarlamaanka qorshaynayo in uu dib u dhigo furitaanka kulanka Baarlamaanka.

Sida MOL ay u xaqiijiyeen qaar ka mida hogaanka Baarlamaanka, Baarlamanka ayaa waxa laga yabaa in dib loo dhigo dhowr asbuuc, taas oo ku soo aadayso bartamaha bisha Abriil oo ah bilaawga bisha Ramadaan,  ka dibna la shaaciyo in aan bisha Ramadaan shir la qaban karin , sidaas darteedna gudoonku waxa uu ku qasbanaan doonaan in uu furitaanka rasmiga ah ee Baarlamaanka uu noqodo bisha Ramadaan ka dib taas oo ku beegan dabayaqaada bisha Maay.

Qorshahaan oo in mudo  ah la qaban-qaabinayay ayaa ujeedadiisu tahay in gudoonka Baarlamaanka abuuraan jawi keena in baarlamaanku iyo guud ahaan dowlada ay sameeystaan waqti kororsi dhowr sano ah, maadaama ayan jirin in aan dalka doorasho ka dhici karin.

Gudoonka Baarlmaanka ayaa bisha Maay waxa ay soo hordhigi doonaan Baarlamaanka hindise cusub oo ay ku qeexayaan in ayan marnaba suuragal ahayn in Baarlamaan cusub la soo doorto mudada ka hartay waqtigooda sidaas darteedna waqti kororsi loo sameeyo.

Qorshahan oo ay wataan hogaanka Baarlamaanka iyo Hogaanka xukumaada ayaa waxa uu keeni doonaa in dalku ka dhaco dagaal sokeeye, iyada oo dalku yeelan doono dhowr madaxweyne oo midkastaaba si qaasa isku caleemo saari doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here