
Wasaaradda Caafimaadka ayaa soo bandhigtay xaaladihii ugu dambeeyay xanuunka COVID-19 ee dalka laga diiwaangeliyay, afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in xanuunka laga baaray 2,476 qof, lagana helay 229 qof.
117 qof oo ka mid ah dadka xanuunka laga helay waxay degan yihiin Magaalada Muqdisho, iyadoo Puntland laga diiwaangeliyay 63 xaaladood, Somaliland 46 kiis, Koonfur Galbeed 2 kiis, halka 1 kiis laga xaqiijiyay Jubbaland.
137 ka mid ah dadka xanuunka laga helay waa rag, halka 92 kalena ay haween yihiin, sida ku cad jadwalka maalinlaha ee Wasaaradda Caafimaadka.
Afar iyo labaatankii saac ee ugu dambeysay waxaa la xaqiijiyay in xanuunka ka soo bogsadeen 14 qof, halka 6 kalena ay u geeriyootay.
Wadarta guud ee xaaladaha xanuunka ee dalka laga diiwaangeliyay ayaa haatan gaartay 6,246 xaaladood, iyadoo tirada guud ee ka bogsatay ay tahay 3,778 qof, halka 208 qof-na ay u geeriyootay.
Soo laba kacleynta COVID-19 ee dalka ayaa waxaa muuqata in uu ka faafid ogyahay wejigii hore ee dalka ka dilaacay, sanadkii 2020.