Farmajo oo amar ku bixiyay in beesha Muddolood aanay ku shiri karin Muqdisho

0
20

MW Farmaajo iyo xubno ka tirsan xafiiska RW Kheyre ayaa ku wargeliyay Laamaha Amniga dowladda in cadaadis la saaro ama lasoo xiro qabanqaabiyaasha shirka lagu wado in uu berri ka furmo magaalada Muqdisho, kaasoo looga tashanaayo aayaha beesha Muddulood.

Shirkan oo maalmihii u dambeeyay la waday qaban qaabadiisa ayaa waxaa lagu martiqaaday Madax hore, siyaasiyiin, aay ka mid yihiin Madaxweynayaashii hore Xasan Sheeh Maxamuud, Cali Mahdi Maxamed iyo Sharif Sheekh Axmed, xildhibaano ka tirsan labada gole, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada.

Isku daygii koowaad ee la doonayay in shirka lagu baajiyo ayaa xalay dhicisoobay, kaddib markii siyaasiyiin ku xiran Madaxtooyada ay isku dayeen in odayaasha dhaqanka ee Hormuudka u ahaa kulankaas inay ku qanciyaan in shirka dib loo dhigo.

Sidoo kale waxaa bilowday isku day labaad oo ah qorshe laamaha amniga dowladda ku doonayaan in shirka la baajiyo sida waddooyinka oo la xiro, iyo Hotelka lagu dhigayo shirka oo digniino loo diray.

Sida ay Tebiyenews xogta ku heshay waxaa bilowday dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay waddo dowladda taasoo ay dowladda ka go’antahay in la baajiyo shirka wadatashiga beesha Muddulood, iyadoo dhanka kale ee beesha ay bilaabeen in uruursadaan ciidan haddii loo baahdo ka difaaca ciidanka dowladda goobta lagu qabanaayo shirka.

Inkastoo aanay weli jirin war rasmi ah oo dowladda ka soo baxay oo ku aadan in shirkaas la baajiyo, balse waxaa jira warar sheegaya in dowladdu awood u adeegsaneyso baajinta shirkaas oo laga cabsi qabo in isku dhac uu ka yimaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here