Kadib markii kuraasta xildhibaanada barlamanka la lambareystay oo mid waliba meeshii la rabo loo rarayo ayaa waxaa soo baxaya inaysan mucaaridku fahamsaneyn sida wax u socdaan oo waxay ku dhegan yihiin hale ray oo ah “doorasho hala qabto”. Haddii doorasho ku shubasho ah la qabto oo NN ay keensaneyso xildhibaanada ay rabto oo afar sano oo kale la sugayo doorasho kale miyuusan kororsi ka muddo gaaban dhaamin doorashadaas?
Kuraastii xildhibaanada Golaha dhacbiga ayaa mid waliba waxaa la siiyey lumber, waxaana lagu saleeyey 18kii gobol ee dalka. Waxaa meesha laga saaray dhammaan dowlad gonoleedyada iyo doorkooda, tan oo u muuqata inaysanba ku baraarugsaneyn mucaaridka iyo Madaxda maamul goboleedyada kuwooda aan khiyaanada qeyb ka ahayn.
Safiirka Qadar oo noqday Gabraha cusub ee 20/21 ayaa hadda lagu soo warramayaa inuu bilaabay inuu u kala safro ama la xiriiro maamul goboleedyada isagoo boorsooyin lacag ah sita, soona agdhigaya af dhabaandhow lagu hawlgabi karo haddii waxa la rabo uu masuulkaas fuliyo, iyadoo loo sheegayo ina la rabo dhallinyaro ocusub oo maamulka loo dhiibo o odayaasha wax garanaya uu doorkii dhammaaday. Sidoo kale Safiirka Qadar qof diida waxa laga rabo inu fuliyo waxaa uu u sheegayaa inuusan naftiisa ku khamaarin, waayo waqtigii la is baryi jiray waa dhamaaday.
Arrimahaan safiirka xataa haddii ay been yihiin inay maskaxda dadkau ku soo dhici karto ayaaba ah foolxumo weyn oo dalka iyo dadka Somaliyeed ku ceeb ah.
Mucaaridka waa inay kala doortaan:
- In la qabto doorasho ku shubasho ah oo keeni doonta in dalkaan uu galo afar sano oo kale oo afartaan ka sii adag, kana sii xun.
- In hadda lagu dhaqaaqo tallaabada laga warwareegayo ee ah in Kooxdaan NN dalka maamulkiisa laga wareejiyo loona diyaariyo doorasho xaqnimada u dhow oo la sameynayo inta ay tabartu la egtahay balsa laga wada tashaday oo la isla leeyahay.
Wixii aan intaan ahayn dalka waa ku dhibaato waxayna keeneysaa in xoog wax lagu muquuniyo oo talada dalka mar kale xoog lagu qaato.
Waa muhiim qoraalka Madasha Xisbiyada Qaran iyo shakhsiyaad kale mucaarid ak ka soo baxay, balse waah awl u baahan in si fiican looga tashado oo meel la iska dhigo erayga wareega ee ah “kuma dhacaan iyo Ma sameyn karaan” waana waxkasta laga fishaa loona diyaar noqdaa falcelinta ku haboon waqtigaas.
Haddaba maanta ayey u baahan tahay in go’aammo kharaar la qaato oo laga hortago waxkasta oo keeni kara inuu dalku galo xaalad adag oo Meesha ka saarta habkii dimoqraadiga ahaa ee uu dalka ku socday 20 sano ee ugu dambeysay oo ahayd in afartii sano mar la qabto doorasho hay’adaha distuuriga lagu soo dooranayo. Waa hubaal inay dimoqraadiyadda dalkeenna ay turxaan bixin u baahan tahay, hasa yeeshee qaabka ay hadda wax u socdaan waa qaabkii ay ku dumi lahayd dimoqraadiyaddaas curdanka ah.