Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeedinayey Munaasabadda sanadkii guuradii 76-aad ee ururkii Dhallinyarada SYL oo Caawa lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Shirkii Garoowe iyo sababihii keenay in la isku fahmi waayo.
Madaxweynaha oo ka hadlayey Shirka Garoowe ayaa sheegay in qaar ka tirsan Madaxda Maamul Goboleedyda, gaar ahaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf uu doonayey inuu waqti kororsi sameysto taasina ay ka hor timaaday Dowladda Soomaaliya.
Madxweynaha ayaa sheegay inuu markii hore Xaaf ka ogolaaday in dib u heshiisiin loo sameeyo garbaha isku khilaafsan Maamulkaas balse wuxuu sheegay inuu dib iska badalay markii lagala soo hadlay meel ka baxsan shirka oo uu ula jeeday inay Ahlu Sunna lasoo hadashay.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Daawada Galmudug ay tahay inaan waqti kororsi la sameysan isla markaasna la xaliyo khilaafka taagan loona diyaar garoobo Doorasho cusub balse aysan marnaba suurta gal aheyn in Xaaf loo ogolaado Muddo Kororsi iyo Maamulada kalaba.
Madaxweynaha ayaa Xaaf ku eedeeyey inuusan qaadan daawadii ay u baahneyd Galmudug oo ah in la sameeyo dib u heshiisiin iyo in la iska hilmaami waqti kororsi.
Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn sheegay inay Dowladda Soomaaliya baaritaan ku sameysay dhibaatada heysato Galmudug ayna usoo baxday inay lagama maarmaan tahay in dhinacyada Galmudug loo sameeyo wadahadal kadibna doorashada la qabto waqtigeeda.
Waa markii ugu horeysay oo uu Madaxweyne Farmaajo ka hadlo shirkii Garoowe ku dhex maray Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada kaasoo lagu soo kala tagay iyadoo aysan jirin wax is faham ah.
Wadaninews24 Online
Xafiiska Muqdisho
wadaninews24@hotmail.com