Tan iyo markii xilka la wareegey madaxwyenaha soomaaliya mudane maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa laga soo waramayaa in madaxtooyada soomaaliya tiradii ugu badnaa ee abid soo marta 2 sano gudahooda.
Wixii kadanbeeyey 16 bishii February 2017 ayaa lagu soo waramayaa in xilka agaasimaha madaxtooyada soomaaliya uu maraayo ilaa iyo 5 agaasime taas oo kadhigan in 4tii bilood mid cusub loo magacaabo.
Shaley ayey aheed markii loo magacaabey agaasime cusub kadib markiii xilka laga qaadey agaasimihii hore ayadoon lasheegin wax sababta.
Dadka daraaseeya siyaasada ayaa arintaan kutilmaamey in ay marqaati cad utahay sida hogaanka maanta jira uu uga fashilmey hogaanka dalka, waxeyna kudoodayaan in aanu wada qaldanaan Karin 5 agaasime balse eedu ku noqoneyso madaxda sare oo ayagu markasta raadiya dad aan toyo leheen keliya warkooda dhegeysta.
Shukhbarada siaasada ayaa ku doodeysa in ay halis tahay marka horaba in loo magacaabo xil intaa le eg masuul aan lagu kalsooneyn, hadii loo magacaabana in xasaanad kusaqeeyo ee aanu lagu faraglin gudashada waajibkiisa, waxna intaa ku darayaan inagaasimaha madaxtooyada uu gacanta ku haayo xogta dalka oo dhan sidaa darteedana aanu habooneyn markasta in qof cusub xogtaa loo dhiibo.
Madaxweyne farmaajo ayaa la daalladhacaya cida uu ku aamini lahaa xilka madaxtooyada soomaaliya maadaba uu ceyey 4 agaasime mudo 2 sano gudhahooda ah.
Arintaan ayaa muujineysa sida ay u adagtahay in loola shaqeeyo madaxda maanta, iyoqalafsanaant axad dhaafka ah ee lagula kaco madaxda muwadiniinta soomaaliyeed ee doonaya in ay u adeegaan dalkooda iyo dadkooda.
Hoos ka akhriso agaasimayaashii soo marey madaxtooyada soomaliya mudo 2sano gudhooda.
- Dr. saciid Faqi
- Abukar Dahir Cismaan Baalle
- Fahad yaasiin Xaaji dahir
- Drs. Amina Saxiid Cali
- Dr. Nuur Diiriye Fuursade