Farmaajo oo xilka qaaday taliye ku xigeenka Ciidanka xoogga dalka

0
7

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu maanta xil ka qaadis ku sameeyay Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Maxamed Cali Bariise.

“‪Xil ka qaadistan oo dhaqan galaysa maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 20ka Febraayo 2020 ayaa timid keddib markii uu Madaxweynuhu garwaaqsaday baahida loo qabo in lagu sameeyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed tayeyn iyo qaabeyn joogta ah”  ayaa lagu yiri War kasoo baxay Madaxtooyadda.

Taliye ku xigeenka Ciidanka xoogga dalka ayaa la Magacaabay 10-kii Bishii October  ee sanadkii 2019-ka.

Warar soo baxayay maalmihii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in uu khilaaf ka dhex jiro taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.‬

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here