Farmaajo oo ka cabsaday abaabul dagaaal ayaa codsaday in la soo afjaro dulaanka lagu qaaday dadka degan koonfurta Muqadishu

0
43

Madaxweyne Farmaajo oo cabsi badan kala soo daristay abaabulka dagaal ee ka socda koonfurta  bari ee magaalada Muqadishu ayaa ka codsaday saraakiisha dowlada iyo maamulka gobolka banaadir in gabi ahaanba la jooojiyo qorshaha lagula dagaalayo shacabka ku dhaqan deegaanka koonfurta Muqadishu.

Maalintii shalay ahayd ayaa ciidan ka amar qaata Xassan Kheyre iyo xukumadiisa ay weerar ku soo qaaday dadka degan deegaanka jamaacadda. Ciidanka dowlada waxaa ay halkaas kala kulmeen iska caabis iyo awood ciidan oo ayan ku talagalin in uu halkaas ka jiro. Ciidankii dowlada ayaa laga soo ceriyay degaanka ay weerarka ku soo qaadeen.

Galabta ayaa Farmaajo waxa uu wafuud  uu u diray deegaankaas oo isugu jira saraakiil iyo maamulka gobolka banaadir waxa ay la kulmeen hogaanka kacdoonka ee deegaanka jaamacadda. Wafdii uu soo Farmaajo ayaa sheegay in dowlada ka tanaasushay qorshaha ay wadatay dagaalna aan lagu soo qaadaynin dadka degan deegaankaas.

Waxa cidanka la wareegay degeenkaas laga codsaday in ay wadooyinka u furaaan una ogolaadaan Ciidanka dowlada in ay maraan halkaas.

Farmaajo ayaa waxa uu ku hungoobay dagaalka uu ku qaaday koonfurta iyo waqooyiga magaalada Muqadishu. Horay ayaa looga soo ceyriyay waqooyiga Muqadishu ka dib markii uu weerar uu ku fashilnay ku qaaday Muse Suudi Yalaxoow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here