Farmaajo oo ciidamo cusub keensaday, qaar kalana u qaaday Eritereeya

0
9

Iyada oo dalku ku jiro u diyaargaroow doorasho isla markaana uu galay xili kala guur ah ayaa Farmaajo iyo kooxda u adeegta (fahad iyo Kheyre) waxa ay  magaalada Muqadisho ku  soo daadguraynayaa ciidamo mudo sanad ku dhaw tabalar lagu soo siiyaya dalka Eritereeya.

Warar  xaqiiqo ah oo  ay hesho Tebiyenews  ayaa sheegaya in diyaarado labadii habeen ee la soo dhaafay ka degayay Muqdisho ay keentay Ciidamo tababar soo dhameystay dalka Eritereeya , halka kuwa kale oo cusub la qaaday dalkaas. Ciidamadaan oo ayaa ah kuwo uu doonayo in Farmaajo ku qabsado Magaalada Muqadisho.

Waalidiinta dhalinyaro loo qoray askarnimo oo loo sheegay in loo qaadayo dalka Qatar ayaa dhawaan la hadlay warbaahinta, waxaana markii ay waayeen xiriirka caruurtooda  iyo xaaladooda lagu wargeliyay in loo qaaday dalka Eritrea oo xiriir dhow la leh Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Ilo ku dhaw Farmaajo ayaa sheegaya in tirada Ciidamada cusub ee tababarka loogu qaaday dalka Eritereeya ay gaarayaan  todobo boqol, waxaana muddo bilo ay ku xareysnaayeen xero ay gacanta ku heysay Hey’adda NISA, gaar ahana xarunta Shirboow. Ciidaanka ayaa la sheegayaa in ay ka koban yihiin beelo  gaar ah oo uu si taxadar leh uga soo xushay Fahad Yasin.

Fahad Yasin iyo Xasan Kheyre ayaa qayb wayn ka qaatay abaabulka ciidankaan, iyaga oo rumaysan in sida kaliya oo xoog loogu sii haysan karo xukunka ay tahay in ciidan u gaar ah iyaga la keeno dalka. Taliyayaasha ciidanka  ayaan wax war ah u haynin ciidankaan iyo shaqada ay qaban doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here