Farmaajo oo amray in mudo asbuuc ah la hakiyo howlaha doorashada Galmudug, maxa isbadalay?

0
33

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu habeenkii xalay ahaa ku amray Xasan Kheyre in uu hakad galiyo howlsha doorashada Galmudug mudo 3 ilaa 7 cesho ah, isagana uu deg deg ku soo galo magalaada Muqadishu. Xasan Kheyre oo ka jawaabaya amarka MW Farmaajo ayaa maanta dib ugu noqday magalaada Muqadishu. Dhanka kale qoraal aan micno badan xanbaarsanaynin oo ay soo saareen Gudiga Doorasahada Galmudug ayaa lagu sheegay in shaqada Galmudug meel fiican marayso.

Qoraalka maanta ay soo saareen Gudiga Doorashada ayaa ahaa mid qiiq isku qaris ah oo uu Xasan Kheyre doonayo in uu ku qanciyo saaxibadiisa taas oo ah in shaqadii sidii loogu talagalay u socoto, inkastoo lagu amray in uu hakad galiyo howsha uu ka wado Galmudug. Su’aasha isweeydiinta u baahan waxa ay tahay, waa maxay sababta qoraal noocaan ah loo soo saraay? laguna sheegayo in doorashada Galmudug sidii loogu talagalay ku socdato?, hadiiba wax kastaa meel fiican marayaan? Kheyre ayaa doonayo in uu dadka reer Galmududg sii mashquliyo isaga oo been aan jirin doonayo in uu ka iibiyo inta uu kala kulmayo Farmaajo. Amarka Madaxweyne Farmaajo ayaa yimid ka dib markii Farmaajo uu kulan xasaasi ah uu maalintii shalay ahayd kulan kulayeeshay Xarunta Villa Soomaaliya

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Mudane James Swan. James Swan ayaa ka digay dhibaatada ka dhalan kartaa hadii Xasan Cali Kheyre uu ku adkeeysto qorshahiisa uu doonayo in uu maamul uu isaga wato ka sameeysto magalaada Dhuusamareeb taas oo keeni doonta in Galmudug ay yeelato dhowr madaxweyne oo iska soo horjeedo. Lama oga talaabada xigta ee uu qaadi doono Madaxweyne Faramaajo, laakiin waxaa muuqata in beesha caalamka ay ka soo horjeesatay qorshaha Xasan Kheyre, kaas oo laga yaabo in uu horseedo dhibaato hor leh. Dhanka kale odoyaasha dhaqanka ee soo xulayo xildhibanada ayaa caawa tababar mada’daalis ah looga furay magalaada Dhuusamreeb si aan loo dareemin hakad la amray in la galiyo doorashada Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here