Fannaankii Cabdi Tahliil Warsame oo ku geeriyooday Muqdisho (Taariikhdiisa oo kooban)

0
39

Waxaa magaalada Muqdisho xalay ku geeriyooday Allaha u naxariistee Fanaankii caanka ahaa Cabdi Tahliil Warsame oo muddo dheer xanuunsanaa.

Fannaanka oo magac weyn ku lahaa hobollada Soomaaliyeed, isagoo fanka kusoo jiray in ka badan 40 sanadood, wuxuuna ka mid ahaa hobollada ugu caansan ee dhinaca ku luuqeynta heesaha degaanada Soomaalida.

Xanuun haleelay sanado ka hor ayuu la jiifay fannaanka waxaana dhowr jeer dibadda loogu qaaday si loola tacaalo xaaladiisa, balse waxba looga qaban waayay.

Geeridda Fanaanka ayaa waxaa ka tacsiyadeeyay madaxda dowladda Soomaaliya, siyaasiyiin iyo bahda fanka oo uu ka mid ahaa, waxaana lagu wadaa in lagu aaso magaalada Muqdisho.

Cabdi Tahliil Warsame, wuxuu ku dhashay deegaanka Wardheer sannadkii 1952-kii.

Sannadkii 1968-kii fannaanku wuxuu ku luuqeeyey heestiisii labaad ee Onkod, taasoo aad u caan baxday, isaguna uu si weyn ugu soo shaac baxay, waxaana heeska alifay Abwaan Axmed Saleebaan Bide.

Sannadkii 1971-kii wuxuu ka qeyb galay tartankii heesaha hirgalay waxaana ku weheliyay fannaaniin ay ka mid ahaayeen, Cabdulaahi Cumar Xarago, Cabdi Xasan Dige, Cumar Nuur Cabdule iyo Xasan Aadan Samatar.

Wuxuu ka mid noqday kooxda faca weyn eeHobalada Waaberi. Kooxihii kale ee Cabdi Tahliil la soo shaqeeyey waxaa ka mid ahaa Kooxdii Danan oo uu kamid noqday hogaankii sare ee kooxdaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here