Fanaanka Cumar Shoole oo caawa ku geeriyooday Muqadish

0
13

Waxaa caawa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Allaha u naxariistee Fanaankii weynaa ee Soomaaliyeed Cumar Cabdulle (Cumar Shooli), oo loo yaqiinay Madaalaha Hobollada Waaberi.

Geerida Cumar Shooli ayaa waxaa xaqiijiyey xubno ka tirsan Hobollada Waaberi iyo Golaha Abwaanada Soomaaliyeed.

Cumar Shooli ayaa ka titsanaa kooxda fanaaniinta Qaranka ee Hobollada Waaberi, waxuuna maalmihii lasoo dhaafay Fanaanku ku xanuunsanayey magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Ehellada Allaha u naxariistee Cumar Shooli oo maalmo ka hor warbaahinta la hadlay ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay dayacday Fanaankan oo ka tirsanaa kooxda fanaaniinta Qaranka ee hobollada Waaberi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here