Waxaa soo baxaya fadeexo kusaabsan Tayada Wasiirada qaar kadib markii lasheegey in loo magacaabey wasaarada baxbarashada dowlada goboleedka soomaaliyeed ee Koonfur galbeed shaqsi aan aqoon qoris iyo akhris midna.
Cabduraxmaan Malaaq oo looyaqaano koolkooliye oo ah ruux aan soo marin waxbarasho aas aasiga ayaa loo magacaabey wasiirka wasaarada waxbarashda isagoona durba lasheegey in uu soo saarey amaro lacag looga qaadaayo goobaha waxbarashada taas oo lasheegey in ay ka madaxbanaan tahay canshuurta.
Mid kamid ah wasiirada dowlad goboleedka soomaaliyeed oo kusugan magaalada muqdisho ayaa iisheegey in wasiirku uu yahay xildhibaan arintaasna kaliftey in wasiir ku noqodo.
Waxaase xusid mudan in maamulka koonfur galbeed hada uu leeyahay wasiiro dhalin yaro ah kuwaas oo aqoontooda lagu kalsoonaan karo.
Balse qaar kamid ah aqoonyahada wax kadhiga mid kamid ah jaamacadaha kuyaalada magaalada Baydhabo ayaa arintaannku tilmaamey musiibo ku habsatey waxbarashada koonfur galbeed.
Wasiirka ayaa lasheegey in hada suuq lagu iibiyo deeqaha waxbarashada kafurtey magaalada Baydhabo.
Arintaan ayaa kadhigeysa in tayada waxbarashada hoos u dhacdo isla markaana la masuqo deeqaha waxbarashada laga cabsi qabo in ay xirmi doonaan qaar kamid ah goobaha waxbarashada.