(Faalo) MW Farmaajo oo shax cajiib ah u dhigay Somaliland & Xubnaha Mucaaradka DFS

0
22

Sida ilo  lagu kalsoon yahay ay Muqdisho Online u sheegen Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in uu dhawaan booqdo  Dalka Jabuuti asaga oo  halkaas kula kulmi doona Madaxweynaha Dowlada la magac baxday Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi.  Qodobada la qiyaasayo oo aan wali la xaqiijin in kulankaas looga  hadli doona waxaa ka mid ah.

  1. Dib u soo noolaynta  Midnimada Gobolada Waqooyi & Koonfur ee Soomaaliya
  2. Awood Qeybsiga  Siyaasadeed sida in Madaxweynaha la siiyo Somaliland ugu yaraan 3 xili doorasho
  3. in laga wada hadlo halkii Caasimad joogta u noqon lahayd labada gobol.
  4. in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ogolaado in Magalada hargayso uu soo booqdo Madaxweyne Farmaajo Todobaadka xuryada ama 45 cisho gudahood

Waxaa la sheegayaa in shirkaas hirgalintiisa  ay iska kaashanayaan dowladaha Jabuuti, Ethiopia , US , EU & AU, waxaana dhawaan la filanayaa in uu kasoo baxo goaano masiiri ah  oo waji cusub u furi karaa midowga Gobolada Waqooyi & Koonfurta Soomaaliya .

Su’aalaha la isweydiinaya ayaa ah Dhaqdhaaqa siyaasadeed ee uu bilaabay Madaxweyne Farmaajo maxaa ka run ah mise waa mid uu ku marin habaabin doono Somaliland sidii uu ololihiisa Doorashada ku quruxsan lahaa?

Madaxweyne Farmaajo waxaa saaran culays  siyaasadeed & shacabkii Soomaaliyeed oo ka kalsooni baxay kadib markii uu uga baxay dhamaan balamihii uu ka qaaday xiligiisa ololaha doorashada taas badalkeedana layimid dhaqan iyo maamul aan laga sugeenin.

Dad badan ayaa rumaysan in shirka  ka dhici doona Magaalada Jabuuti uu yahay mid lagu marin habaabin doono Walaalaha Somaliland ayagoo uu la saxiixan doono hishiisyo masiiri ah  ujeedada kaliya uu leeyahay Madaxweyne Farmaajo ayaa ah dhowr  arrimood oo kala .

  1. in uu booqdo Magalada Hargeyso Todobaadka Xuriyada 26 Jun / 1 July 2020 taaso siineysa fursad Madaxweyne Farmaajo inuu noqdo Buburkii Soomaaliya kadib madaxweynihii u horeyay ee booqda Hargaysa .
  2. hishiiska Somaliland & Farmaajo hadii ay kasoo horjeestan Baarlamaanka Soomaaliya & Saamileeda Siyaasada wuxuu Madaxweyne Farmaajo ka baxayaa hishiiskaas asagoo sababeeynaayo balse asaga faa’idadiisa waa in uu hagaajiyo ololihiisa doorasho.
  3. hadii shacabka Soomaaliyeed aysoo dhaweeyan hishiiskaas laguna qanciyo Somaliland waxaa meesha ka baxeeyso Kooxda ISBADAL DOONKA oo ay ugu horeeyan Madasha Xisbiyada Qaran kuwaaso 15 sano kadib suurta gal noqon kartaa ineey  u tartamaan xilkaas
  4. In uu beesha Mariixaan ka dhaqo eeda loo haysto oo ahayd in ay iyagu ka danbeeyeen burburkii iyo xasuuqii ka dhacay Hargeysa.

Madaxweyne Farmaajo mudadii uu xilka haayay wuxuu cunaqabateen noocya badan kusoo rogay Somaliland waxaana kamid ah arrimaha soosocdo.

  1. Wuxuu hor istaagay Mashaariicdii Hormarineed ee dowladaha deeqaha bixiyo ka fulin jireen somaliland .
  2. wuxuu jabiyay dhamaan hishiisyadii ay wada saxiixdeen Somalia & Somaliland shirarkii horay u qabsoomay .
  3. wuxuu Dowladaha Caalamka ku colaadiyay xiriirka ayla leeyihiin Somaliland .
  4. wuxuu kashaqeyay burburinta Dowlada Somaliland asagoo ku kicinaayo Oday Dhaqameedyada ama isku diraayo qabaailada wada  dagan Gobolada Waqooyi si halkaas uu fursad uga helo ku burburin karo xukuumada Somaliland .

Suaasha iswaydiinta mudan ayaa ah Somaliland maku dhici doonta shabaqa Farmaajo ama taxadar ayeey ka muujin doonaan ?. Madaxweyne Farmaajo balamihii uu shacabka soomaaliyeed ka qaaday ayuu fulin waayay malagu kalsoonan karaa inuu fulin karo Balan uu la galo Somaliland ?

Maxaa kusoo beegay waqtigaan aysoo dhawaatay doorashada in Somaliland hishiis laga raadiyo iyadoo mudo 3 sano iyo bar lagu haayay colaad nooc walbo ah ?

Mala joogaa waqtigii Somaliland & Somalia ay hishiis micno leh wada saxiixan lahayeen mise waa shir looga gonleeyahay in sumcad siyaasadeed lagu raadsado shacabka soomaaliyeedna loogu beerlaxoowsado ?

Madaxweyne Farmaajo asagoo ku xumeenayo Madasha Xisbiyada Qaran ayuu rabaa inuu afduubto doorashooyinka Dalka si awood qeyb si u dhaxmarto Xukuumada Soomaaliya & Somaliland ? 

Dabcan Madaxweyne Farmaajo mudadii uu xilka haayay waxaa dalka Soomaaliya soo food saartay xaalad Jahwareer waxaana ka mid ah .

  1. Xiriirka wadashaqeynta Dowlada Fadaraalka & Dowlad Goboleedyada oo aan mudo sanado shaqeynin.
  2. Ciidamada Qalabka Sida oo lasiyaasadeeyay iyadoo dowlada kudhawaad 20 kun oo ciidan isugu jira Boolis , Nabad sugid & Military laga eryay shaqadooda iyadoo lagu eedeynaayo waa ciidan qabiil.
  3. In laba qadiyadood oo loobahnaa in ay Dowlada Fadaraalka Soomaaliya ilaaliso ay dano siyaasadeed dhaafsiisatay qadiyadahaasoo kala ah Dadka & Dalka iyadoo la agyahay Muwaadin soomaaliyeed loogacan galiyay Dowlad shisheeye taaso tusi karta in Madaxweyne Farmaajo maamulkiisa u sahlantay iibsashada Muwaadiininta  qadiyada labaad ayaa ah Arrinta Bada iyadoo la ogyahay inuu naxuusiyay kiiska bada arrintaas oo kaliftay in tiro 3 jeer looga guuleesto soomaaliya hadii uu dalka sii joogana waxaa dhici kartaa in nalaga xukumo Kiiska bada oo Soomaaliya Dhulkeeda badeed sidaas cadowga Kenya u qaataan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here