Faalada 1aad: Socodaalkii Siyaasadeed ee Dowlada MD farmaajo.

0
14

Dalku wuxuu u dareerey Doorasho Dadban Taas oo 10kii sano ee lasoo dhaafey noqotey Suno lama Gudbaan ah.

Hogaanaamiyaashii Dalka soomaarey Burburkii kadib waxey ku amaanayihiin Qabashada Doorasho haba kala hormar sanatee walow Madaxda markaas xilka haysa loo midoobo oo si dimoqoraadi ah loogu itaal roonaado ayadoo mucaaradka Xukuumada xiligaas jirto ku midoobaan in uusan calfan madaxweynaha xilagaas kuesiga ku fadhiya.
Qoramadan waxaan ku eegi doona fursadaha horyaala soolaabashada Hogaanka hada jira.
MD farmaajo ayaa ku guuleystey kursiga ugu sareeya ee dalka loogu arimiyo 8 Feb. 2017 isagoona si weyn ugu adkaadey madaxweynihii xiligaas sida weyn ugu diyaar garoobey soo laabashada kursigiisa mudane Xasan Sheekh hase yeeshee ciyaartu mar qura isbedeshey kadib markii MD farmaajo keeney codad lamafilaannku noqodey MD Xasan sheekh.
MD Farmaajo ayaa safka hore kaga soo muuqdey liiska Hogaamiyaasha ugu saameynta Badan Aduunka kadib markii shacabka soomaaliyeed dabaal degyo waaweyn ku soi dhoweeyeen Mudane Farmaajo.
Hadaba malaga yaabaa in uu soo laabto markale MD Farmaajo?
dadka siyaasada soomaaliya lasocda qaarkood ayaa fahamsan in Mr. Farmaajo uu haysto weli fursad uu kusoo laabto waa hadii uu qaado tabaalooyin dhowr ah.
falanqeeyaasha siyaasada ayaa aaminsan in MD farmaajo Mudadii uu joogey uu sameeyey guulo siyaasadeed iyo Qaladaad siyaasadeed kuwaas oo saameyn ku leh mustaqbalkiisa siyaasadeed.
Guulaha Siyaasadeed ayaa lagu soo koobi karaa arimaha.
1. Deen cafinta soomaaliya oo meel wanaagsan soo gaartey
2. Diiwaan Gelinta Ciid Qaran

3. Siyaasada Arimmaha Dibada
4. iyo Bixinta Mushaarka Shaqaalaha Rayidka ah iyo ciidanka.
Guulahan ka sokow Dowlada Farmaajo ayaa lagu eedeyaa qodobadan soosocoda
1. Dhiibistii muwaadin Cabdikariim.Qalbi Dhagax.
2. Caburinta siyaasyiinta ka aragtida duwan sida (weererkii Cabdiraxmaan Cabdi shakuur,Xarigii Musharax Mukhtaar Robow iyo dagaalkii Ahlu sunna).
3. Hoos udhigida awoodaha Maamul Goboleydyada Dalka iyo Teegeerida Musharaxiin Gaar ah.
4. Bixinta Lacago Sharci daro ah.
5. Isticmaalka Awood ciidan Xad dhaaf ah.
ayadoo intaasi jirto ayaa hadana waxaa jiro arimo Hortebin ulahaa Qaranka oo ku guuleystey Dawlada Madaxweyne Farmaajo.

hadaba qoramada tan xigta ayaa ku faqaadi doonaa Guulaha ay gaartey Dowlada Nabad iyo Nolol.
FG. faalodan waxey noqon doontaa mid xigta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here