Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Qarax Caawa ka dhacay Magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland.
Qaraxa ayaa ka dhacay Afaafka hore ee Saldhigga Ciidanka Booliska maamulka Puntland.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Qof ismiidamiyey uu isku Qarxiyey Gaari ay saarnaayeen Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir) iyo Taliyihii hore qaybta booliska gobolka Nugaal Faarax Galangooli.
Labadda Mas’uul ayaa waxaa soo gaaray dhaawac, waxaana la geeyay Isbitaalka Garowe.
Waxaa sidoo kale Wararka ay sheegayaan in Qaraxa ay ku dhinteen ilaalo la socotay labadda Mas’uul.