Faahfaahin Dagaal Xalay Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0
14

Iskahorimaad u dhexeeya ciidamada Booliska iyo koox burcad ah oo uu ku dhaawacmay taliye ku xigeenka saldhigga degmada Kaaraan Daa,uud Dalmar ayaa xalay ka dhacay xaafad kamid ah degmada Kaaraan.

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintey mid ka mid ah kooxda hubeysan halka mid kalana uu ku dhaawacmay.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan kooxda hubeysan ee dagaalka la gashay ciidamada Booliska ay qaarkood xirnaayeen tuutaha ciidamada milatariga.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidamada Booliska iskahorimaadka xalay ka dhacay degmada Kaaraan.

Degmada Kaaraan oo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa ku sugan dabley hubeysan oo dadka dhac u geysta iyadoo ay aad uyar tahay howlgalada ay ciidamada dowlada ka fuliyaan xaafadaha degmada Kaaraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here