FAAH FAAHINTA DUQEYN XOOGAN OO KADHACDEY JUBOOYINKA.

0
90

war hada soo dhacey ayaa sheegaya in Duqeymo diyaaradeed oo Xoogan kadhaceen Degmooyinka Bu’aale iyo Jamaame oo dhaca Gobalada Jubooyinka.

Duqeynta koobaad ayaa kadhacdey Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose.

Duqeynta oo lala beegsadey xero Ciidan ayaa dhacdey xilli lasheegey in loo qeybinyayey dagaalamayaasha shabaab saanad ciidan ay ku howl galaan, saanadaas oo ilo xog ogaal ah xaqiijinayaan in ay tahay mid cusub oo dhawaan soo gaartey alshabab.

dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleyaan jugta 6 gantaal taas oo sababtey in gebi ahaan xerada dab qabsadey.

weli lama xaqiijin karo qasaaraha rasmiga ay hase yeeshee saraakiil sare oo katirsan sirdoonka soomaaliya ayaa sheegey in guud ahaan ay baabi’ yeen dhamaan dagaalamayaashii goobta ku sugnaa iyo saanadooda.

Duqeynta labaad ayaa kadhacdey Degmada Bu,aale ee Gobolka Jubada Dhexe, waxaana dagaal kooban oo foolka foolka dhexmarey dagaalamayaasha alshabaab oo xaruunta degmada kusugnaa iyo ciidamo xiran qalabka habeenkii wax lagu arko sitey 2 diyaaradood nooca qumaatiga ukaca kuwaas oo kadegey meel aan sidaasi uga fogeen magaalada.

halka diyaarad kalana duqeymo xoogan kafulisey ilaa afar xaruumood oo kutaaley daafaha magaalada, jawiga Degamada Bu”aale ayaa mar qura is bedeley kadib markii ay is qabsatey rasaasta kadhaceysey 4ta jiho ee magaalada.

ilo deegaanka oo aan la hadalney ayaa sheegey in duqeynta iyo dagaalka tooska ah ay u dhaxeeyeen daqiiqado kaliya taas oo sababtey in dagaalamayaasha alshabaab xabada joojiyaan dad shabna iska dhigaan.

goobaha sida gaarka ah loo beegsadey ayaa kala ahaa 3 guri oo ay daganaayeen sariil katirsan amniyaadka Alshabaab kaas oo duqeyn lagu burburiyey, saldhiga degmada oo gantaal lagu dhuftey iyo dagaal toos ah oo lagu qabsadey mudo kooban xaruunta degmada oo lasheegey in lagala baxey rag dhaawac ahaa oo si weyn loo doon doonayey sida ay sheegayaan ilo muhiim ah oo katirsan sirdoonka soomaaliya.

Abuu Anas oo ah mid kamid ah saraakiisha ugu muhiimsanaa alshabaab ayaa lagu duqeeyey gurigiisa oo kuyiiley dhanka koonfureed Degamada Bu’aale waxaana la aaminsan yahay in duqeynta kudhintey.

weerarkan ayaa lasheegey in ay siweyn ugu qeyb qaateen ciidanka sida gaarka ah u tabab baran ee Danab iyo diyaaradaha faransiiska.

waxaana jira qasaare xooga balse ay adagtahay in la ogaado xiliga oo habeen ah awgiis.

wixii kusoo kordha dib ayaan idinnkula socodsiin doonaa….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here