Faah faahino laga helayo dagaal culus oo ka dhacay duleedka Kismaayo

0
7

Wararka ka imaanaya Magaaladda Kismaayo ee Caasimadda KMG  ah ee Maamulka Jubbaland ayaa ku waramaya in dagaal u dhaxeeya Labo maleeshiyo beeleed uu ka socdo Galbeedka Magaaladaas.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in labadda maleeshiyo Beeleed uu dagaalkooda salka ku hayo muran ka dhashay dhul daaqsin iyo ceel biyood.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalka ku dhintay 7-ruux oo u badan dhinacyadii dagaalamay.

Dhanka kale C/rashiid Macalin Gaas oo kamid ah Saraakiisha Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in dagaalka uu ka dambeeyo Maamulka Axmed Madoobe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here