XISBIGA AMNI IYO CADAALAD OO WAR KASOO SAARIN….

0
55

TR: 28/10/2019 Xisbiga Amni iyo Cadaalad wuxuu si diiran usoo dhoweynayaa warbixinta Kooxda Kormeerka Caalamiga ah (International Monitoring Group) ay kasoo saartey Dhibkii kadhacey Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Dhamaadkii sanadkii lasoo dhaafey 13 bishii December 2018 oo shacabka Soomaaliyeed ee Reer koonfur galbeed u eheed maalin murugo.
Waxaa si sharci daro ah loo afduubey murashaxii aqlabiyada badnaa koonfur Galbeed Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali isagoo xiligaasna ku guda Jirey Howlihiisa Ol olaha Doorshada.
Waxaa la xasuuqey shacab aan waxba galabsan oo aragtidooda dastuuriga ah dhiibanayey dibad baxa nabadeedna kadhigeyey magaalada Baydhabo waxaa si sharci daro loo laayey shacab aan waxba galabsan ayadoo loo isticmaaley awood dowladeed heer federal iyo heer maamul ba.
Xisbiga Amni Iyo Cadaalad wuxuu ka codsanayaa Golaha Amaanka Qaramada Midoobey iyo Maxkamada Cadaalada Aduunka (ICJ) In cadaalada la horkeeno dhammaan Xubnihii Kaqeyb Qaatey dhibaatadii kadhacdey Magaalada Baydhabo xiligii doorashada socotey.
Xisbiga wuxuu kaloo Cabaareynayaa Saraakiishii xasuuqdey shacabkii Baydhabo in Dowlada Xilal sare u magacawdo waxaana codsaneynaa in dhammaan Danbiilayaasha Cadaalada Lahor geeyo.
Waxaan markale si diiran usoo dhoweyneynaa warbixinta Horudhac ah ee soo saartey International Monitoring Group waxaana ku dhiira gelineynaa in Hay’adu ku dadaasho sidii ay cadaalad u heli lahaayeen dhibanayaasha Soomaaliyeed ee loola dhaqmey si kabxsan Xaquuqda Aadanaha.

Xafiiska Xisbiga Amni Iyo Cadaalad
Muqdisho-Soomaaliya Nairobi -Kenya
Kala xiriir:+252615434632 +254725888252

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here