Faah faahin Sarkaal ka tirsan Ciidanka DF oo lagu khaarijiyay Muqdisho

0
4

Kooxo hubeysan ayaa saacadihii lasoo dhaafay Sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa Taliska Ciidanka Dowladda Federaalka waxaa ay ku dileen gudaha Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir.

Rag dhalinyaro oo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Sarkaalka ku toogtay Xaafad ka tirsan Dharkeenley, isagoo u geeriyooday rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee jirka, sida ay ku warrameen Goobjoogaal.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ragii hubeysnaa ee falka geystay ay goobta ka baxsadeen, waxaana daqiiqado kadib halkaas tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo  qaaday Meydka Marxuumka.

Qoraal kooban oo Al-shabaab ay ku qoreen barahooda dhinaca Internet-ka  ayaa waxaa ay ku sheegeen in la dilay Sarkaal ka tirsanaa Taliska Ciidanka Dowladda laguna magacaabi jiray Laba Xidigle Cali Raage Maxamuud.

Sidoo kale Qoraalka Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in dableydii dilka fulisay ay horey u sii qaateen bastoolad uu watay xiliga la dilaayay Laba Xidigle Cali Raage, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Laamaha amniga dowladda oo ku aadan falkaas.

Xaafado ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa mararka qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan, waxaana Mas’uuliyadooda inta ba

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here