FAAH FAAHIN QASARAHA WAREER DIYAARADEED OO LOO GEYSTEY ALSHBAAB

0
65

Faah faahin kasoo baxeysa duqeymo xoogan oo goordhow kadhcey deegaano hoostaga Gobolada shabeelaha hoose iyo Jubbada dhexe kuwaas oo lala bartilmaameed sanaayey horjoogayaal sare oo katirsan dagaalamayaasha alshabaab.

Deegaanada duqeynta kadhacdey ayaa kala ah Degaanka Hargeysa ayarey, Degamada Saakow iyo Deegaano udhaxeeya Jilib iyo Bu’ale iyo Deegaanka Sablaale.

Hargaysa yare waxa ka dhacday Duqayn diyaaradeed taas oo Lagu Bur buriyay Xarun ciidan oo kutalay Duleedka deegaankaasi, waxa ku dhintay Cidamo farabadan oo goobta ku sugnaa.

Degmada Saakow waxa la Duqeeyay Xarun ciida iyo sanad u talay Xaro weyn oo lagu keydin jirey hubka fudud iyo rasaasta.

Weerar diyaaradeed oo qorsheysanaa ayaa lagu diley deegaan udhaxeeya Degmooyinka Jilib Iyo buale sargaal Sare oo Sodog u ahaa amiirka xarakada Alshabaab Abu cubayde laguna magacaabi Jirey Abuu Cabdalla sida ay xaqiijiyeen saraakiil katirsan wardoonka soomaaliya.

Geesta kale degaanka Sablaale oo katirsan Gobolka shabeelada hoose ayaa lagu soo waramayaa in duqen xoogle ay ka dhacdey duqeyntaas oo lagu bartilmaameedsanayey Gawaari dagaal oo ay lahaayeen Ururka Alshabaab kuwaas lasheegey in ay u ekaayeen gawaarida ay isticmaasho Amisom.

Sirdoonka soomaaliya ayaa shaaciyey in ay ogaadeen in alshabaab ay doonayeen in ay muqdisho kusoo weeraraan wadadana ay kusoo maraan ayagoo iska dhigaya nabad ilaaliyaasha Amisom.
Duqeymahan ayaa lasheegey in ay fuliyeen diyaaradaha aan cidi wadin ee loo yaqaano Drones ka iyo Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaano Helecopter-ka oo ay leeyihiin saaxiibada soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here