Faah Faahin kasoo baxeysa dil kadhacay dagmada Afgooye.

0
44

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo gudaha Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay Askari ka tirsanaa Ciidanka dowladda Federaalka.

Dilka ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafad ka tirsan Afgooye, waxaana goobjoogyaal ay sheegeen in Askariga ka tirsanaa Ciidanka dowladda ay toogteen rag dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolado.

Intaas kadib ragii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana goobta sida caadada aheyd tegay Ciidamo ka tirsan dowladda, kuwaasi oo halkaas ka qaaday Meydka Askariga la toogtay.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Askariga la dilay uu ahaa mid caan ka ah gudaha Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, isla markaana uu ka howlgeli jiray halkaas.

Degmada Afgooye ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan oo geystaan rag dhalinyaro ah oo ku hubeysan Bastoolado, waxaana inta badan dilalkaas sheegta Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here