FAAH FAAHIN DUQEYN: ALSHABAAB OO LAKULANTEY MID KAMID QASAARIHII UGU BADNAA…

0
61

Faah faahin dheeraad ah oo kasoo baxeysa Duqeymo diyaaradeed oo xaley kadhacey Degmaayin katirsan Jobooyinka iyo degaano hoos taga Gobolka shabeelaha hoose.

Duqeymahan ayaa kadhacey xaruumo waaweyn oo aad loo ilaaliyo oo alshabaab leyihiin kuwaas oo kuyaaley Degmooyinka Jilib Iyo Jamaame oo kawada tirsan Gobolada Jubooyinka iyo deegaanka xaramka ee gobolka Sh/ Hoose.

Weerarkan ayaa lasheegey in uu noqodey kii ugu qasaaraha badnaa ee soo gaara alshabaab mudooyinkan danbe.

Duqeynta 1aad ayaa lala beegsadey xaruuntii ugu weyneyd Teliska Jubooyinka ee Degmada Jamaame waxaana deganaa ciidankii ugu badnaa ee alshabaab oo lagu qiyaasey 700 askari .

3 gantaal ayaa lasheegey in xaruunta gudaheeda lagu dhuftey taas oo sababtey in xaruunta guud ahaan ay baaba’ado kuna dhintaan inta badan ciidankii halkaasi kusugnaa.

13 oo dhaawac ah ayaa saaka lagu arkey gudaha degmada Jamaame kuwaas oo dadka deegaanka u sheegey in ay cunto u diraaninayeen ciidanka oo xaruunta meel sidaa uga fogeyn joogeen.

Wareerka 2aad ayaa kadhacey degmada Jilib

Wareerka Degmada Jibilb kadhcey ayaa lasheegey in lala bartilmaameedsanayey xaruntii ajaaniibta alshabaab ugu wayneed waxaana lasheegey in ay daganaayeen ciidamo kor udhaafaya 300 oo ubadnaa alshabaab Ajaaniib ah xaruunta laduqeeyey waxa ku dhintay kudhowaad 170 dagaal yahan oo ubanaa ajaaniib cadaan iyo afrikaan isugu jira sida xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu laksoonaan karo.

Dhanka kale isla Duleedka Degmada Jilib waxa la Duqeeyay xaruun ay ku sugnaayeen ciidamo alshabaab ah oo lasheegey in loo waday inay ka hortagaan ciidamada DF oo Baardhere ka soo baxaya kuwaas oo ku wajahan Degmada Bu’aale maalmaha soo socoda.

Ciidankan oo lagu qiyaasey ilaa iyo 570 dagaal yahano alshabaab katirsan ayaa waxaa lasheegey in gebi ahaanba la burburiyey saanadoodii malateri ayadoo lasheegey in dhoor jeer duqeyn loogu celceliyey waxaana la xaqiijiyey in abaanduulihii dagaalka ciidankaasi iyo kuxigeenkiisa kamid noqodeen dadka kudhintey duqeyntaasi waxaana saaka dulooyinka halkaasi u dhow lagu arkey ciidamo kasoo bedbaadey duqeyntii xaley oo daal kamuuqdey.

Deeganka xaramka oo dhaca shabeelaha hoose ayaa isna lasheegey in xaley lagu diley Amiirkii amniga Ciidamada Alshabaab oo safar dhulka ah kumareyey deegaanka xaramka waxaana lasheegey in dhinteen 5 ruux kale oo isaga gaariga lasaarnaa.

Diyaaradaha faransiiska ayaa larumeysan yahay in ay duqeynta kadanbeeyeen kuwaas oo bilihii danbe wadey howl galo kadhan ah alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here