FAAH FAAHIN: DUQEYMO LALA BEEGSADEY XARUUMIHII UGU WEYNAA EE ALSHABAAB.

0
42

Waxaa isa soo taraya Qasaaraha ka dhashey weeraro lagu qaadey xaruumihii ugu muhiimsanaa ururka Alshabaab ay Ku lahaayeen Koonfurta Soomaaliya.

Weeraro talan taali ah ayaa lagu e keeyey Ilaa 5 Xaruumood oo lasheegey in ay ahaa yeen xaruumii ugu muhiimsanaa ururka Alshabaab, kuwaas oo lagu soo abaabuli jirey dagaalada Foolka Foolka ah, Qaraxyada Gawaarida iyo ragga is miidaamiya.

Duqeynta ayaa markii horey ka bilaabatey Xaruuntii Salagle xilli ay kasocotey munaasabad lagu soo xirayey (Dowro) koorso socotey mudo 2 Bilood ah taas loogu tala galey saraakiisha Telisyada ciidamada waxaana lagu barayey sidii ay umaareyn lahaayeen xaruumaha ciidamada.

Koorsadan ayaa lasheegey in loo soo xirayey kudhawaa 130 sargaal teliyiyaal ka ahaa telisyada kala duwan ay leeyihiin dagaal yahanada Ashabaab.

Saraakiil katirsan sirdoonka soomaaliya ayaa sheegaya in duqeynta ay ku dhinteen saraakiil aad ugu wanaagsanaa dhanka HowlGalada Alshabab, isla markaana si wanaagsan loola heleeley Bartilmaameedkii loogu tala Galey Duqeynta.

Sargaalka ayaa sheegey in ay ogyihiin in duqeyntaasi ku dileen inta Badan saraakiishii halkaa ku sugneyd

Degmada Jilibna Duleedkeeda waxaa lagu soo waramayaa in lagu Duqeeyay Kolayo Ciidan oo usocodey dhanka Degmada Bu’ale kuwaas oo lasheegey in ay galbinayeen dagaal yahano Ajanabi ah iyo Amiiro katirsanaa hogaanka sare Xarakada Alshabaab.

Weerarka ayaa lasheegey in lagu Burburiyey Kudhawaad 5 Gaari macada cida saarneyd gawaarida laburburiyey balse waxaa lasheegey in uu jiro qasaare dhimasho iyo dhaawac.

Deegaanka Bula fulay oo katirsan Gobolka Baay ayaa iyadana laduqeeyey, waxaana duqeyntu ka dhacdey Xaruun ay deganaayeen Ciidanka Jugta Culus looyaqaano oo weerarada Halista ah sameeya.

Degaanka Hargaysa yarey ila 3 gantaal aya lagu Dhuftay Xarun ay Daganayen Ciidamo Ka howlgala Jubbooyinka daagaankan ayaa ah lasheegey in Alshabaab si xoogle u isticmaalaan xiliyada ay howl galada Ka sameeyaan Jubaland.

Degaanka Hawayn oo dhaca Gobolka shabeelaha Hoose ayaa isaguna lasheegey in laduqeeyey telis ciidamo oo halkaasi kuyaaley waxaana la xaqiijiyey in kudhintey weerarka Teliyihii ciidanka iyo 9 dagaal yahan.

Duqeynta ayaa lasheegey in ay iska kaashanayeen Dowlada Soomaaliya iyo qaar kamid ah dowladaha reer Galbeedka, waxaana muuqata in lasii kordhiyey duqeynta lagu haayo Xaruumaha Alshabaab Taas oo umuuqata in 2020 Alshabaab wajihi doonto Dagaalo iyo Duqeymo Culus oo kaga imaanaya Dowlada Soomaaliya iyo saaxiibadeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here