Ehelada Wasiirkii Amniga Jubbaland oo shaki muujiyey

0
11

Tan iyo markii ay soo baxdey warka ay baahiyeen Booliska Soomaaliya oo sheegaya in uu ka baxsadey halkii uu ku xirnaa Wasiirkii Amniga jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayaa waxaa walaac mujinaya qaar kamid ah eheladiisa.

Nabadoon Aadan Maxamed Gurumo oo ah Nabadoonka Wasiirka ayaa sheegay inay shaki ka qabaan in Wasiirka ay dowladda dishay,isla markaana wararka sheegaya in uu baxsadey aan waxba ka jirin.

Nabadoonka oo la hadlayay Idaacadda BBC-da waxaa uu sheegay in xiriiro badan la sameeyeen meelo kala duwan,basle aan weli meel lagu sheegin,isla markaana ay aaminsan yihiin in la diley ama uu meel qarsoodi ah ku jiro.

“Anaga tuhun weyn ayaan qabnaa meelo badan ayaan la xiriirey,sida deegaano badan oo katirsan Jubbaland welina meel laguma sheego,dowladda waxaan ka rabnaa inay noo cadeyso ayuu yiri” Nabadoonka.

Hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya weli sirasmi ah uma faah faahin sida uu ku baxsadey Wasiirkii Amniga Jubbaland,halka Maamulka Jubbaland ay sheegeen in Nolol iyo Geeri intaba ku heyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here