Duqeymo xaga cirka ah oo ka kala dhacey degmooyinka jilib iyo Jamaame.
Degmada jilib
Duqeyn xoogle ayaa laga soo waramayaa in ay kadhacdey degmada jilib, duqeyntaas oo lasheegey in labo goobood oo gidaha degmada ah Kadhacdey;
Duqeynta 1aad ayaa lasheegey in ay ka dhacdey xaruunta isgaarsiinta guud ee xarakada alshabaab ee koonfurta soomaaliya.
Xaruunta laduqeeyey ayaa lasheegey in shaqadeeda ugu muhiimsan eheed isku xirka shabakada alshabaab ee howlgalada sameeya sida weerarada foolka foolka ah iyo kuwa ismiidaameynta ah iyo xogta iyo amiirada alshabaab.
Xaruuntaan ayaa lasheegey todobaadkii lasoo dhaafey in lagu kordhiyey qalab casri ah oo lagu tayeynayo isgaarsiintooda si madaxda alshabaab ula socodaan dhamaan howgalada ciidamadooda sameyaan.
Xaruunta ayaa gebi ahaamba lasheegey in dhuulka ladhigey kadib markii lala beegsadey dhoor gantaal oo la aaminsanayahay in ay soo tuureen diyaaradaha faransiiska sida ay sheegeen ilo lagu kalsoonaan karo.
Duqeynta labaad ee isla degmada jilib ayaa lasheegey in lala beegsadey Hoyga waaliga Abuu Cabdalla oo ku yaala afaafka hore ee degmada Jilib.
xiliga duqeynta ayaa lasheegey in masuulkan halkaasi ka maqanaa ha yeeshee waxaa halkaasi lasheegey in lagu bur buriyey qalab kala duwan oo dagaal oo gawaari iyo hub ay ku jiraan.
Degmada Jilib ayaa lasheegeyaa in ay jiraan dhimisho iyo dhaawac hase ahaatee saraakiil sare oo katirsan wardoonka soomaaliya oo aan la xiirney ayaa ka gaabsadey ayagoona sheegey in howl galka sidii loogu tala galey kusoo idlaadey.
Dhinaca kale duqeyn kadhacdey Degmada Jamaame ayaa waxaa lala beegsadey xaruunta degmadaasi xilli ay ku shirsanaayeen saraakiil katirsan xarakada alshabaab.
Shirkan ayaa lasheegey in loogu hadlayey amniga amiirada Xarakada oo lasheegey in qal qalweyn soo food saartey.
Shirka ayaa lagu soo waramayaa in laga soo wereejiyey degmada Jilib oo sida caadiga ah lagu qaban jirey balse xaalad amni darteed looga soo wareejiyey dhanka Jamaame.
Saraakiisha shirka kasoo qeyb gashey ayaa lasheegey in ay kamid ahaayeen rag ajaanib ah oo doomo ku yimid kuwaas oo dhuulka isku aamini waayey
Lama oga qasaaraha dhabta ah ee Jamaame waxaana sidoo kale dhanka badda laga maqlaayey dhawaqa wax u eg gantaal oo la aamin san yahay in lala beegsanayey amiiro katirsan alshabaab.
Qasaaraha dhabta ah iyo wixii kusoo kordha dib ayaan idin kaga soo gudbin doonaa goor dhow haduu eebe idmo.