Duqeymo lagu diley Amiiro iyo Dad shacab ah oo kadhacey ….

0
75

Duqeynta ayaa ka dhacdey degmada Jilib seqdii dhexe ee xaley waxaana lagu soo waramayaa in uu jiro khasaaro badan

ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in duqeynta lala beegsadey horjoogayaal sare oo katirsan kooxda Alshabaab.

Amiir magaciisa lagu soo koobey Abuu Nucmaan una dhashey dalka Yaman iyo 4 amiir oo soomaali ah ayaa lasheegey in uu ku geeriyoodey duqeynta sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil katirsan laamaha amaanka Soomaaliya oo magacooda qariyey.

dhica kale goob joogayaal kusugan degmada Jilib ayaa xaqiijiyey in uu jiro khaaso soo gaarey dad shacab ah kuwaas oo haleeley gantaalada ay ridayeen diyaaradaha howl galka kujirey.

ilaa iyo 7 qoys ayaa lasheegey in ay waxyeelo dhimasho iyo mid dhaawacba kasoo gaartey kadib markii gantaalo guryahooda kula dheceen.

ma ahan markii ugu horeysey ee waxyeelo kasoo dadka shacabka ah howl galada ka dhaca goobaha ay joogaan kooxda alshabaab mana jirto cil laguala xisaabtamo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here