Duqeymo hor leh oo kadhacey deegaano katirsan Jubooyika

0
16

Duqeymo hor leh oo kadhacey deegaano katirsan Jubooyika
Wararka ka imaanaya degmada Jilib ayaa sheegaya in duqeymo xoogan ay kadhaceen saqdii dhexe ee xaley, weerarka ayaa lasheegey in ay inlala beegsanaayey xubin sare oo katirsanaa alshabaab kaas oo lasheegey in dowlada mareykanka si weyn udoon dooneysey , sargaalkan oo magaciisa lagu sheegey maxamed ayuu dowlada mareykanaka lasheegey in madaxiisa dhigtey lacag gaareysa 3 malyen oo dollarka mareykanka ah.
Goobjoogayaal kusugan degmada jilib ayaa sheegay in dhawaqa gantaalo xoog badan ay maqleen xili ku beegneyd saqd dhexe, sarkaalkaan la labeegsadey ayaa lasheegey si weyn ugu dhowaa hogaamiyaha lagumagacaabo abuu cubeyda.
Dhanka kale degmada jamaame oo katirsan gobolka jubbada hoose ayaa sheegaya xiliga saxuurtii duqeyn kadhacdey waxaana sidoo kale lasheegey in lala beegnanaayey hogaamiye lagu magacaabo Cabdinur Xuseen oo ahaa saraakiishii axamed Godane si dhow ula shaqeynayey kaas oo lasheegey in uu uqaabilsanaa xagga qorshayaasha.
Ciidamada mareykanka iyo ciidanka soomaaliya ayaa u muuqda in ay xoojiyeen beegsiga saariisha sarsare ee kooxda alshabaab bilihii lasoo dhaafey gaar ahaan deegaanada jubaland, magaalooyika jilib iyo jamaame ayaa marti gelinayaa weeraro joogta ah oo dhanka cirka ah kuwaas oo lala beegsanaayo hogaamiyaasha alshabaab ee kusagan deeganaadaas.
Dhimashada ayaa lasheegaya in ay gaartey shan xubnood oo katirsadan alshabaab waxaana jira dhaawacyo ayaan la ogeen tiradooda
Lama oga sababta ay u xoojiyeen duqeymada deeganadan balse warar ayaa sheegeya in degmada jilib iyo degmada jamaame oo ka kala tirsan jubada dhexe iyo jubada hoose ay shabaabku ku leeyihiin keedadka hubka iyo xaruumo lagu tababaro kooxaxa isbiidaamiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here