Dowladda Soomaaliya oo sharaxday $120 milyan oo loogo deeqay

0
6

Dowladda Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay lacago malaayiin dollar ah oo baanka adduunka toddobaadkii lasoo dhaafay sheegay inuu Soomaaliya ugu deeqay.

Wasiirka beeraha ee Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid oo u warramay Idaacadda VOA ayaa sheegay in 120 milion oo dollar ah uu Baanka Adduunka ugu deeqay Soomaaliya taas oo lagu filanyo mashaariic wax looga qabanayo, ka hor-tagga Ayaxa, fatahaadaha iyo xanuunka COVID-19.

Sidoo kale Wasiirka waxaa uu sheegay in sida ugu wanaagsan lacagtaas loo gaarsiin doono Dowlad Goboleedyada ka jira dalka si ay ugu adeegsadaan waxka qabashada Arrimaha a hor-tagga Ayaxa, fatahaadaha iyo xanuunka COVID-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here