Dowladda oo War kasoo saartey duqeyn ka dhacdey Shabeellaha Hoose

0
6

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ,iyada oo kaashaneysa Ciidanka AFRICOM ee Mareykanka iyo Ciidamada AMISOM ay duqeyn kula beegsadeen agagaarka deegaanka Janaale Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa waxaa lagu sheegay in Shan weerar oo cirka ah lala beegsaday Xubno ka tirsan Al-Shabaab,kuwaas oo looga gol lahaa in lagu wiiqo awooda Al-Shabaab intii lagu guda jirey howlgalkii lagu qabtey deegaanka Janaale.

Hoos Ka AKhriso War-Saxaafadeedka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Weerarradan cirka ah ayaa lagu dilay dhawr xubnood oo Alshabab ah, islamarkaana waxaa lagu wiiqay awoodda Alshabaab kusoo weerari kareen AMISOM iyo Xoogga Dalka. Wadashaqeyntii ka dhaxeysay AMISOM iyo Xoogga Dalka ee duulaankii lagu qabtay Jannaale ayaa muujinaya hufnaanta iyo meelmarka sida ay uga go’antahay ciidamada huwanta caalamiga ee u yimi inay jabiyaan Alshabaab ayaa lagu yiri Warka Dowladda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo muwaadiniinteeda ay matasho ayaa aad uga mahadcelinaya taageerada ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee kasoo jeeda Ugandha ee lagu xoreeyey dadka Soomaaliyeed magaalada Jannaale.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay u mahadcelinaysaa geesiyadii rag iyo dumarba lahaa ee ciidanka Xoogga Dalka oo runtii muujiyey dadaal dheeri ah duulaankii Jannaale uga saarey Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-qaacida ayaa lagu yiri War-Saxaafadeedka dowladda.

Ugu ddambeyn Warka dowlada ayaa lagu soo geba-gabeeyey in Hubin lagu sameeyey weerarradan lagu ogaaday in aysan jirin cid shacab ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay.

Si kastaba dhawaan ayay aheyd markii duqeymo dhinaca cirka ah ay diyaaradaha Mareykanka agagaarka deegaanka Janaale kula beegsadeen dad la sheegay inay ahaayeen Shacab,iyada oo weli dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka aysan ka hadlin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here