Kaddib howlgal ciidamada dowladda Soomaaliy ay ka sameeyeen degmada Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose oo dhawaan ay la wareegeen ayeey sheegeen in ay ku qabteen sarkaal ka tirsan Ururka Al-shabaabSaraakiisha ayaa sheegay in howlgalkan ay ku qabteen madaxii Amniyaadka Gobolka Shabeellaha Hoose ee Ururka Al-shabaab oo magaciisa lagu sheegay Xassan Suleyt oo loo yaqaano ”Xasan Ganeey”
Taliyaha ciidanka Lugta ee xoogga dalka Soomaaliyeed Xamiid Maxamed Dirir oo ku sugan degaanka Janaale ayaa sheegay in sarkaalkan la qabtay xili uu ku dhuumaaleysanayay qeybo ka mid ah degmada Janaale.
Taliyaha ayaa tilmaamay in haatan ay korortay wada shaqeeynta ciidanka iyo dadka degaanka ,isla markaana taasi ay suurtagelisay inay ku guuleystaan Amniga deegaanka Janaale iyo deegaanno kale oo ku yaalla gobolka Shabeellaha hoose.
Al-Shabaab dhankooda weli wax war ah kama soo bixin oo ku saabsan warkan ka soo yeeray saraakiisha ciidamada dowladda ee lagu sheegay in la qabtay Madaxii Amnyaadka Al-Shabaab ee Gobolka Shabeellaha Hoose.