Dowladda Soomaaliya waxay maamulayaasha Isbitaallada Gaarka loo leeyahay ku amartay inay bukaannada daryeelka caafimaad usoo doonanaya ay u qaabilaan sida ugu habboon, ugu fudud, uguna taxadarka badan.
Sababta ayay ku sheegtay dowladda si looga baaqsado in dadka Soomaaliyeed ay waayaan daryeelka caafimaad ee ay u baahanyihiin.
Wasiirka Caafimaadka dowladda Soomaaliya Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa sheegtay in maamulada laga doonaayo in ay bixiyaan adeegyadii Caafimaadka ee horay ay u bixin jireen.
Waxa ay sidoo kale sheegtay in dowladda aysan aqbali doonin daryeel xumo ay u dhintaan muwaadiniinta xilli Isbitaallada ay ka cabsi qabaan Cudurka Corona Virus.
Maalmihii lasoo dhaafay qaar ka mid ah isbitaallada Muqdisho ayaa diiday in ay qaabilaan Bukaano sababo la xariira Cudurka Corona Virus.