Dowladda oo ka hadashay Shirka Garowe

0
37

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa ka hadlay shirka ay magaalada Garowe ku leeyihiin madaxweynaha dalka, Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda dawlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa madaxda ugu hambalyeeyay shirka oo ay uga tashanayaan aayaha dalka, waxa uuna rajeeyay in shirka ay kasoo baxo natiijo wanaagan oo wax ka tarta mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay in shirka uu socdo si habsami leh, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday is garab istaagaan madaxda dalka una duceeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here