Dowladda Mareykanka oo Farmaajo & Rooble ugu baaqay inay joojiyaan falalka hurin kara xiisadda

0
21

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Afrika ayaa faah faahin guud ka bixisay kulamo gaar gaar ah oo khadka Internet-ka ee Aalada Zoomka ay kula yeelatay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo & Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Waxaa ay sheegtay inay ku boorisay Madaxweyne Farmaajo inuu ku taageero Ra’iisul Wasaare Rooble Shirka Golaha Wadatashiga Qaran iyo dhameystirka doorashooyin lagu kalsoonaan karo, sidoo kalena lagu adkeeyay in si degdeg loogu baahan yahay in la joojiyo hadalada iyo ficilada sii hurinaya xaalada, isla markaana ku adkeeyeen in Ciidamada ammaanka ay dhex dhexaad ahaadaan.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Afrika ayaa caddeysay taageerada ay u hayaan dadaalka Ra’iisul Wasaare Rooble ugu jiro qabashada shirka Golaha Wadatashiga Qaran, si loo saxo khaladaadka doorashada iyo inuu si degdeg ah u soo gabagabeeyo doorashooyin lagu kalsoonaan karo.

Sidoo kale waxaa loogu baaqay dhammaan dhinacyada inay joojiyaan falalka hurinta, isla markaana ciidamada ammaanka ay dhexdhexaad noqdaan.

Mareykanka Ingiriiska iyo inta badan dalalka taageerada siiya Soomaaliya ayaa ka walaacsan khilaafka xoogeystay ee u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble , iyaga oo ku baaqaya in xaaladda la dejiyo si doorashooyinka loo dhameystiro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here