Dowladda Kenya ayaa markii ugu horreesay kahadashay arrimaha laxariira baxsashada wasiirka amniga maamulka Jubbaland Cabdi rashiid Janan uu kabaxsaday gacanta hay’addaha ammaanka dowladda federaalka somalia 28kii bishii janaayo ee aynu soo dhaafnay.
Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa qoray in wasiirka amniga maamulka jubbaland uu kusuganyahay Hotel kuyaalla magaalada mandheera ee dalka Kenya wallow wareysi uu siiyay warbaahinta wasiir janan uu kusheegay in uu kusuganyahay degmada Balad-xaawo ee gobalka Gedo.
Macharia Kamau oo ah xoghayaha arrimaha dibadda dowladda Kenya ayaa wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa dalka Kenya usheegay in laamaha amaanka kaliyah ay kahadlikaraan arrimaha laxariira soo galitaanka gudaha dalka Kenya wasiirka amniga maamulka Jubbaland Cabdi rashiid Janan isaga oo intaasi kudaray in arrintani aysan go’aan ka gaari Karin xukuumadda Nairobi.
Dhawaan ayay aheyd markii wasiirka amniga maamulka Jubbaland C.rashiid Janan uu kabaxsatay gacanta hay,addaha amaanka dowladda federaalka somalia isaga oo gaaray magaalada kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose islamarkaana waxa uu kaga sii gudbay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya iyadoo sida uu sheegay dib uu ugu sii noqday qeybo kamid ah gobalka Gedo.