Dowlada Soomaaliya oo heshiis deyn cafin ah la gaartay dowlada Talyaaniga (Sawiro)

0
4

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa DowladdaTalyaaniga la saxiixatay heshiis Deyn cafin ah oo daba socda go’aankii wadamada Paris Club ee Soomaaliya looga cafiyay 1.4 Bilyan Sanadkii tagay 2020-kii.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa heshiiskan la saxiixday safiirka Dowladda Talyaaniga u jogga Soomaaliya Mudane Alberto Vecchi oo uu sheegay inuu si gaar kagala shaqeeya saxiixa maanta suurta galay.

Wuxuu u mahad celiyay safiirka iyo guud ahaan Dowladda Talyaaniga sida hagar la’aanta ah ay u garab taagan yihiin Shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here