DOWLADA SOMALIYA SUGIDDA AMNIGA WAXAA UGA DARAN DOWLAD GOBOLEEDYADA

0
12

Dowlada soomaaliya ayaa lagu eedeynayaa  in ay lacago xad dhaaf ah ku bixiso maamulada dalka si loo bur buriyo nidaam yadii ayada kahoreeyey, arintaan ayaa loo aaneynayaa in madaxda dowlada federalka ay ugu goleeyihiin in ay difaacdaan kuraastooda isla markaasna ay ladagaalamaan maamulada dalka kajira, kuna dadaalayaan  sidii ay ugeysan lahaayeen hogaamiyaal ayaga sidii ay doonaan kayeelan karaan.

Dad badan oo siyaasada soomaaliya udhuun doloola ayaa waxaa ay sheegayaan in dowlada federalka ay aad fuley utahay isla markaana ay dooneyso in ay durba cabsi kubeerto maamul kasta oo u aragto in uu dhaliilaayo hab dhaqankeeda.

Dowlada federalka ayaa lagudhaliilayaa  in ay dooneyso in ay soo saarto hogaamiyaal ay indho utahay, si doorashada 2020 ay usoo laabtaan madaxda hada talada haysa, waa sida hadalka loo dhigeye, dowlada soomaliya ayaa dagaal ba’an kula jirta maamulada dalka kajira si ay awoodeeda ugu tijaabiso inkastoo amaanka dalku uu meel aad u adag maraayo marka loo eego dowladii ka horeysa balse dowlada amniga waxaa ugu dhib badan maamulada dalka kajira.

Lama oga ilaa xiliga ay sii wadi doonto dagaalka iyo wajiga uu kusoo dhamaan doono balse waxaa muuqda in dowlada aanu heynin xal aan dagaal eheen kaas oo  kula dhaqanta maamulada dalka kajira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here