Dowlada oo sheegatay inay qarxisay gaari waxyaalaha qarxa lagu soo xirey

0
2

Ciidanka kumaandooska Danab ee Xoogga dalka ayaa sheegay in ay gaari siday waxyaalaha qarxa ku gubaan deegaanka Toorotoorow ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada ayaa sheegay in ay saaka howlgal qorsheysan kula jarmaaday deegaanka Tooratoorow ayaa fashiliyay gaari noociisa uu yahay Saaruf oo argagixisada ay ku soo rareen walxaha qarxa.

Gaariga oo xogtiisa ay sii hayeen ciidanka Danab,islamarkaana maleeshiyada ay diyaariyeen ayay ciidanka halkaas ku qarxiyeen, waxaana ku dhintay dhagar qabihii gaariga waday.
Dhinaca kale, Al-shabaab ayaa sheegtay in gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa ay la eegteen Ciidamo Caddaan ah iyo kuwo Soomaali ah oo ku sugnaa deegaanka Tooratooroow ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qoraal lagu faafiyay baraha Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen in qarax Is-miidaamin ah la beegsadeen Ciidamo Caddaan iyo kuwo Soomaali ah oo ka tirsan kuwa Mareykanka tababar, kuwaasi oo saakay gaaray deegaanka Tooratooroow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here