DOORASHADA 2020 SOOMALIYA KADHICI DOONTA 4.5 MANOQON DOONTO.

0
104

Xog hoose ay ogaatey warbaahinta madaxbanaan ee Tebiyenews ayaa muujineysa doorashada 2020 qaabka ay u dhici doonto in ay waxbadan ka bedelanaan doonto doorashooyinkii hore.

Xogtaan ayaa muujineysa in madaxweynaha soomaaliya mudane maxamed cabdullahi farmaajo uu doonaayo in sanaadiiqda codka ladhiga goobaha amaanka ah ee dadkeedu codeyn karaan.

Madaxweynaha ayaa lasheegey in uu ku adkeysanaayo in doorasho qof iyo cod ah kadhado dalka isla markaana baarlamaanka soomaaliya lagu soo kobo 157 xubnood oo loo qeybin doono goobaha ay suura galka tahay in codbixyaashu codkooda dhiiban doonaan.

Document laga heley xafiiska madaxweynaha soomaliya ayaa muujinaya in 4.5 ay soo dhamaatey isla markaana baarlmaanka hada soosocoda cod shacab ku imaan doono halka xogtaan ay muujineyso goobaha kamaqan gacanta dowlada in aysan heli doonin wax matalaad shacab ah oo keliya markii la xureeyo ay yeelan doonaan xaquuq in ay cod ku yeeshaan baarlamaanka soomaliya

Arintaan hadii ay dhacdo ayaa waxaa fursad weyn u heli doona maamulada qaar halka kuwa kale oo maanta kuraasta ugu badan laga soo doortana aya waayi doonaan kuraas aad u badan.

Arintaan ayaa lasheegey in baarlamaanka soomaaliya la horgeyndoona dhoor bilood kadib waxaana hada xogtaan gacanta ku haya khubaro soomaaliyeed waxaana lasheegey in meel gebo bebo ah mareyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here