Dil ka dhacay Muqdisho & faah faahin laga helayo

0
5

Rag la sheegay inay ku hubeysnaayeen bustoolado ayaa waxaa xalay Xaafada dabakaayo Madoow ee degmada Dharkeenleey ku dileen Wiil Dhalinyaro ahaa kana mid ahaa dadka ku nool Xaafadaas.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen Wiilka Dhalinyarada ahaa oo lagu magacaabi jirey Cabdullaahi Suudaani xilliga la dileyey uu ku sugnaa Farmashiye uu ku lahaa kasoo horjeedka Masjidka Al-Nuur,isla markaana uu ku howlanaa sidii uu u xiri lahaa Farmashiyaha si uu u aado Salaada Cishaha oo lagu jirey,hayeeshee ragga dilka geystay ay baxsadeen.

Ciidamo katirsan kuwa booliska Soomaaliya oo u diyaar garoobayey dhaqan gelinta Bandowga la saarey Muqdisho ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay,waxaana Goobjoogayaal ay sheegeen in ay Ciidamada xir xireen Dhalinyaro ku sugneyd meel aan ka fogeen halka lagu diley Wiilka Dhalinyarada ahaa.

Ilaa iyo hadda macada sababta loo diley wiilka dhalinyarada ah iyo dadka ka dambeeyey dilkaas,waxaana dad yaqaaney ay sheegeen in uu ahaa Wiil dhalinyaro ah oo wax kusoo bartay dalka Suudaan.

Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa aad u yaraadey Magaalada Muqdisho dilalka gaadmada ah oo ay geystaan kooxaha ku hubeysan bustooladaha,iyada oo dilalkaas ay inta badan sheegtaan Ururka Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here