Dil ka dhacay Muqdisho & faah faahin kasoo baxeysa

0
13

Rag hubeysan ayaa Xaafada Siigaale waxaa ay Caawa ku dileen Guddoomiye laameed la tirsanaa Maamulka degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir,iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Dilka ayaa dhacay markii laga soo baxay Salaadii Maqrib,waxaana guddoomiye laameedka la diley lagu Magacaabi jirey liibaan Qiyaamo sida ay sheegeen dad yaqaana.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay dhankooda sheegeen in dilka kadib ay goobta gaareen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda,kuwaas oo meydka mas’uulka la dilay u qaaday Xarunta dambi baarista ee CID-da.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Ciidamada ay sameeyeen howlgal ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyey guddoomiye laameed balse aan weli dad loo qaban,waxaa sidoo kale weli dilkaasi ka hadlin Maamulka degmada Hodan eeHobolkan Baanir.

Goobta uu dilka Caawa ka dhacay ayaa waxaa horay loogu dilay Kaaliyihii Maxkamaddda Gobalka Banaadir, C/laahi Xasan Canshuur, Xeer Illaaliye Xigeenkii Qaranka, Maxamad C/raxmaan, Saraakiil, iyo Gudoomiye Laameedyo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here