Dil ka dhacay Dhuusamareeb & Faah faahin kasoo baxeysa

0
3

Wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi lagu diley Askari ka tirsanaa Ciidamada Hoggaanka Ahlusunna ee ku sugan Magaaladaas.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Tebiyenews u sheegeen in dilka Askariga uu ka dambeeyey mid kamid ah ilaalada Wasiirka Amniga Galmudug Saadaq Sheekh Yuusuf oo isna kamid ah Madaxda Ahlusunna.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in dilka uu yimid,kadib markii markii uu dhex marey muran labada Askari xilli ay ku wada sugnaayeen Xarunta Inji oo ay degan yihiin hoggaanka Ahusunna,hayeeshee askarigii dilka geystay ay Ciidamadu qabteen.

Si kastaab dilka asariga ka tirsanaa Ciidamada Ahlusunna Maanta loogu geystay Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xili Magaaladaas ay ku sugan yihiin Ciidamo farabadna oo ay geysay dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here