Dil ka dhacay deegaan ka tirsan G/Galgaduud

0
21

Maleeshiyaad hubeysnaa ayaa waxaa la sheegay in qof Shacab Xoolo dhaqato ahaa ku dileen Deegaan lagu Magacaabo Miiracad oo aan sidaasi uga fogeyn Deegaanka Qalaanqale oo Shalay Dagaal uu ka dhacay.

Dilka ayaa Wararka la helayo waxaa ay sheegayaan in uu salka ku haayo saano qabiil,Isla markaana uu daba socdo dagaal beeleedkii shalay ka dhacay deegaanka  Qalaanqale ee duleedka Magaalada Dhuusamareeb.

Dhinaca kale deegaanka Qalaanqale oo shalay ay ku dagaalameen labada maleeshiyo beeleed ayaa xaaladeedu ay tahay mid degan,waxaana la geeyay Ciidamo Boolis ah oo kala dhex-galay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here