Dib u dhac ku yimid Imtixaanka dugsiyadda Sare iyo dhexe ee dalka

0
24

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12aad & 8aad in uusan ku qabsoomi karin xilligii loogu talagalay taxadarka Coronavirus awgii, waqtiga rasmiga ah ee uu dhacayana dib laga soo sheegi doona.

Waxaa sidoo kale sheegtay in Wasaaradda ay ku howlan tahay sidii ardayda Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen qorshe ay kusii wadan karaan waxbarashadooda.

“Wasaaradda waxbarashada Hiddaha & Tacliinta Sare ee XFS oo tixgalineysa talooyinka caafimaad ee la xiriira ka hortagga & xakameynta cudurka dilaaga ah ee COVID-19, ayaa waxa ay ku wargalineysa ardayda Soomaaliyeed ee ku guda jira diyaargarowga imtixaanka fasalka 12aad & 8aad in uusan ku qabsoomi karin xilligii loogu talagalay. Waqtiga rasmiga ah ee uu dhacayo imtixaanka dib ayaa laga soo sheegi doona. Mahadsanidiin.” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Wasaarada.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u fasaxday dhammaan Iskuullada iyo Jaamacaddaha ku yaalla dalka si looga hortaggo Cudurka Covid 19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here